| |
|
Sheeka Khiyaaliga Meherijaanka Xiliga Qaboobaha ee Saint Paul
Beri hore, hore, ka hor, Astraious, ilaaha ilayska xidigaha, iyo Eos, ilaahada Subaxda Cas ee Farta Taagan leh, ayaa is guursaday. Kulankoodii waxaa lagu barakeeyey shan wiil: Boreas, Titan, Erous, Zephyrus and Notos. Boreas maadaama uu ahaa wiilkooda ugu weynaa waxaa la siiyey cinwaanka"Boqorka Dabaylaha" wuxuuna markaa mid kasta oo walaalihiis ka mid ah si abadan ah ugu xil saaray xoog iyo quwad weyn. Titan waxaa loo dhiibay Dabaysha Waqooyi ee daran. Euros waxaa loo dhiibay inuu xakumo Dabaysha Bari ee qeyru-mas’uulka ah. Zephyrus waxaa isagana loo dhiibay inuu haysto Dabeysha Galbeed ee quruxda badan. Notos-na waxaa la guddoonsiiyey Dabaysha Koonfureed ee ruxanta. Wiilashii walaalaha ahaa waxay markaa si farxad iyo rayn-rayn badani ku jirto ugu bood-boodeen dhulka iyo badda dushooda.
Boreas, isagoo ku guda jira safaradiisa balaarnaa, ayuu wuxuu ku dul yimi janada qaboobaha ah ee loo jaqaan Minnesota. Wuu joogsaday si uu u fiiriyo quruxda faraxgelinta leh ee koox todoba buurood ah oo bilic leh si deggana u foorara, kuwaasoo gacmaca uga jiifta magaalo qurux badan leh. Boreas wuxuu markaa la fooriyey farxad buuxda, "Sain Paul-shii taariikhiga aheyd iyo toddobadeedii buurood! Alla! waa meeshii aan waligey ku haminayey. Saint Paul waxaan ka dhigayaa caasumada dhamaan dhulka aan xakumo . Hadda laga bilaabo waxaa far waaweyn magaceeda aduunka oo dhan looga qorayaa inay tahay meesha ay xiliga qaboobaha ah ku ciyaaraan Boqortooyada Boreas."
Hadaba, Vulcanus Rex, ilaahii Dabka, ahna cadowga aan la dejin karin ee Boreas, ayaa ku dhawaaqay diidmo madax adeyg badani ku jiro. "Waranka weyn ee Mars baan ku dhaartaye waxaan dabeysha daran ee Boreas ku khafiifinayaa kulayl iyo codka dheer ee xoogayga." Kama uu daalin inuu si kharaar u mucaarado dhamaan feestooyinka Boreas.
Hase yeeshee, si aan cabsi lahayn, ayuu Boreas ugu baaqay innuu ku dabbaaldego karaamada Mehirijaanka qurxoon awgeed. "Sidaas ha ahaato!" ayuu Boreas ku dhawaaqay, "Waxaa ka dhici doona Meherijaan Saint Paul-shii hore!" Boreas wuxuu xushay Ra’iisul Wasaare si uu isugu duwo diyaargarowyo ka dhaca dhamaan dhulka ay wiilasha boqoradu xakumeen, Gobolada iyo Guryaha Boqorada ee ka tirsan boqortooyada Saint Paul. Sidaa darteedna, waxaa toban beri oo muunadeysan, St. Paul ka socday Meherijaan iyo dabbaaldeg farxad badan – cunid badan, cayaaro, madadaalo iyo boqortooyanimo rayn-rayn leh oo ay wadeen Boreas iyo Boqorada barafka, marwada boqortooyada, ayna la socdaan afar Dabaylood, mid kastana ay wehelisay gabar qurux badan oo ina boqor ah kana socotay boqortooyada Boreas.
Klondike Kate, haweentii heesaha, ayaa iyaduna feestada ku dartay cod suuro ku jiro laakiin farxad leh iyadoo ku heesaysasey heeso ay ka buuxeen riyaaq iyo shucuur.
Boqorkii qaboobaha ee weynaa, Boqoradii waddanka Northlands, iyo qasrigooda ayaa ku biiriyey samadoonimo iyo xikmad, halka boqorka yar ee Qaboobaha iy Boqorada barafka xashka ah iyo qasrigooduba, ay feestada kusoo dareen shacni dhalinyaranimo.
Maalintii 10aad ee dabbaaldegga, Vulcanus Rex iyo kooxdiisii ayaa soo weeraray qalcad bilicsan oo baraf ka sameysa iyagoo hujuumaya Ilaaladii Boqorka. Isagoo tixraacaya talo-wanaaga Boqorada ayuu markaa, Boreas dadkii ku maca-salaameeyey caasumadii qaboobaha isagoo u daneynaya nabadgelyada iyo samadoonimada, wuxuuna dib usoo dhex degay ilaahyadii Olympus. Boreas iyo qasrigiisii waxay hore u beegsadeen waqtiga goorta diirranaanta xagaagu ay mar kale sii deeyneyso ku habsigeeda boqortooyada uuna markaa jawiga qabow ee dayrtu ay qaalib noqonayso.
|
|